Ciidanka Puntland oo sameeyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish

Ciidamada difaaca dawlad Goboleedk Puntland ee kala ah ciidamada daraawiishta iyo ciidamada PSF ayaa hawl-gal wada-jir ah oo lagu sugayo Amniga ka sameeyay deegaanada kala ah Il iyo camayra, ceel-unkud, muguc iyo karin-dawaco oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Bari.

Howlgalka oo uu hogaaminayay Taliyaha ciidamada difaaca Maamulka Puntland ee Silsilada Golis G/Sare Saciid Nuur Shire ayaa ujeedka loo sameeyay waxaa lagu sheegay xaqiijinta Amniga iyo baadi-goobka Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraha Golis.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada difaaca Puntland ayaa waxaa ay sheegeen inay u taagan-yihiin markasta xaqiijinya Amniga, la dagaalanka Al-Shabaab & Daacish iyo ilaalinta nabad-gelyada guud ee Puntland.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada kala duwan ee Puntland waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay soo bandhigi doonaan waxyaabaha ay kusoo qabgaan howlgalkooda.