Dagaal u dhaxeeya ciidamada Difaaca Puntland iyo Kooxda Daacish ayaa ka socda duleedka Ceelka Miraale, oo ah goobaha u dambeeya ee kooxda ay ku leeyihiin saldhiga ciidan, marka laga hadlayo Jihada Dhasaan, Madaxdoda deganayd ahna Isbitaalada ay isticmaalaan.
Ilaa hadda in ka badan 5 ajaaniib ah ayaa lagu dilay dagaalkan, iyadoo ciidamadu isku fidiyeen agagaarka deegaankan.
Taliska u qaabilsan hawlgalka ciidamada Puntland ee buuraha Calmiskaad oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ciidamadu hawlgal ka wadaan degaanka Isha-Tabakar ee togga Miiraale balse ma sheegin faahfaahin intaasi ka baxsan.
“Ciidanku wuxuu maanta hawlgal ka wada deegaannada u dhow Togga Miiraale, meelaha hawlgalku ka socdo waxaa ka mid ah deegaanka Isha Tabakar” ayuu yiri xafiiska hawlgalka ciidamada ee buuraha Calmiskaad oo qoraal soo saaray.
Sidoo kale Afhayeenka Taliska howlgalka Argagixisada Puntland ayaa Risaala sheegay in weli uu socda dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka
Ciidanka difaaca Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay saldhigyo, saanad, hub, sahay, gaadiid iyo agabyo kale oo ay Daacish ku qarisay dhulka hoostiisa.



