Hirshabelle oo sheegtay in howlgal lagu dilay shabaab badan.

War ka soo baxay maamulka Hirshabelle ayaa lagu sheegay in howgal ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada laba-garas iyo Guulane lagu dilay maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu khaarijiyay 22 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana laga furtay hubkii ay wateen.

Sidoo kale  maleeshiyaadka la dilay ayaa qoraalka lagu sheegay in goobta ay ku qasheen xoolo ay xoog ugu qaadeen dadka shacabka ah.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan: