Ciidanka Kumaandooska DANAB gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa howlgal Qorsheyn kafuliyeen deegaanka Yaaqbiri- Weyne oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa u kuurgelida xaaladda degaanka oo maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab dadka Shacabka ah ka barakicinayeen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii uu howlgalka socday dhanka waaxda Arrimaha Bulshada Ciidanka Kumaandooska DANAB ay u fidiyeen dadka deegaanka Yaaqbiri-Weyne kaalmo cawinaad ah,.kuwaas oo ay heeysatay xaalado kala duwan.
Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaan ilaa ay ka saarayaan degaannada hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhowr jeer ayaa degaanka Yaaqbari- Weyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi weeraray.