Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacaddihii ugu dambeeyay ka baxay degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan dhanka xeebta sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka.
Degaanada Ciidanka ay ka baxeen ayaa waxaa ka mid ah degaanka Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeelle Hoose, isla markaana dhaca wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.
Ciidankaan ayaa bilihii ugu dambeeyay halkaasi ku sugnaa waxaana ay ka tirsan yihiin Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 12-ka April.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidankaan ay ka cabanayaan mushaar la’aan, islamarkaana muddo afar bilood aysan helin wax xuquuq ah.


