Gaari Cabdi Bile oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa rasaas ku furay dad shacab ah oo marayay agagaarka Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Mahad C/raxmaan Maxamuud oo ka mid ahaa dhalinyarada kunool Muqdisho ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay rasaasta ay fureen ciidanka dowladda ciidanka.
Mahad ayaa la sheegay in rasaasta ay fureen ciidanka in ay ka haleeshay Madaxa, waxaana loo cararay Isbitaal.
Xalay ayay aheyd markii ciidanka dowladda ay Muqdisho ku dileen dhalinyaro wada dhalatay ka dib markii ay rasaas ku fureen.



