Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo wada howlgal ka dhan ah xoogagga Ahlusunna

Ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah xoogagga Ahlusunna ee dhawaan weeraray Magaalada Dhuusamareeb ka wada duleedka Magaaladaas.

Ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degaannada Bohol iyo Sangooye, halkaas oo aheyd Goobihii ugu weeynaa oo ay ku sugnaayeen xoogaga Ahlusunna Waljamaaca, waxaana la sheegay inay howlgallada ku qabteen dagaalmayaal katirsan xoogagga Ahlusunna.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada ay howlgalka kusoo qabteen Gaari Cabdi Bile ah oo ay isticmaalayeen Ahlusunna, sidoo kalena ay isku soo dhiibeen Saraakiil uu kamid yahay Cabdullaahi Cabdi Raage oo siweyn looga yaqaan degaannada Galmudug.

Xaalada Magaalada Dhuusamareeb & degaannada hoostaga ayaa degan, halkaas oo Jimcihii la soo dhaafay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogagga Ahlusunna Waljmaaca.