Ciidamada Ururka 5aad ee guutada 16 aad ee DANAB oo ay wehlinayeen Ciidamada Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa howlgal wadajir ah ka fuliyey tuulooyinka, Yaaqxaluu dhalajo & Kaamjaroon iyo deeganada hoostaga ee gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in intii uu howlgalka socday ay ku guuleysteen sii daynta maxaabiis ku xirnaa xabsiga tuulada kaamjaroon kadib markii ay degaanka isaga tageen Xubnihii katirsanaa Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyay dhamaan saldhigyadii ay aagaas ka deganaayeen Al-Shabaab iyo goobihii ay weerarada kasoo abaabuli jireen ee tuulada Kaamjaroon iyo deegaanada hoos taga sida Kaliil, Dhalajo, Reebaay iyo Yaaqxaluul.
Saraakiil katirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland ee howlgalka qeybta ka ahaa ayaa Warbaahinta u sheegay inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa inta degaannada Jubbaland laga saarayo Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab.
Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay howlgallo wadajir ah ka fuliyeen degaannada Gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo sheegay inay howlgallada kudileen Xubno iyo Saraakiil katirsan Al-Shabaab.



