Ciidanka Booliiska degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Alshabaab oo Bam gacmeed ku tuuray bar kantarool oo ay Booliisku ku lahaayeen bartamaha suuqa ee degmada Afmadow.
Ma jiraan khasaaro ah oo ka dhashay Bam gacmeedkaas oo Ninka tuuray ay ciidamada Booliiska ay la socdeen dhaqdhaqaaqa nIn ka soo qabtay
Amniga degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa aad loo adkeeyay waxaana ka socda Hawlgallo Hay’adaha Amniga Jubland ay ka sameyanayaan degmadaas



