Wararka naga soo gaaraya deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya ciidanka maamulka Ahlusunna iyo sidoo kale Maleeshiyaad hubeysan ay dagaal kula wareegeen deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.
Ciidanka maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramaya in ay dib uga soo baxeen magaalada , islamarkaana ay joogaan meel ku dhow deegaanka Godinlabe.
Ciidanka maamulka Galmudug ayaa doonaayay in ay qaadaan isbaarooyinka yaalla duleedka deegaanka Godinlabe.
Maleeshiyaadka isbaarooyinka dhigtay ayaa lagu soo waramaya in dadka ay qaadaan lacag aad u farabadan ,islamarkaana cabashooyin badan ay ka timid dadka shacabka ah.
Ciidanka maamulka Galmudug ayaa dhawaan dagaal ku qaaday isbaarooyin badan oo yaallay duleedka magaalada Gaalkacyo.


