Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka iyo AMISOM ayaa la kala dhex-dhigay labada maleeshiyo Beelood ee maalmihii la soo dhaafay dagaalka uu ku dhexmarayay degaanka Kabxanleey ee duleedka Waqooyi ee Magaalada Beledweyne.
Ciidamadaan oo uu hoggaaminayoTaliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Coogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa waxaa ay kala dhexgaleen maleeshiyaadka dagaalamay si xaaladda loo dejiyo.
Taliye Baakaay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in xabadda la joojiyo, si loo kala qaado labada maleeshiyo Beeleed ee ku dagaalamay degaanka Kabxanleey.
Waxaa uu intaasi ku daray inay la kulmeen Odayaasha Dhaqanka mid kamid ah beelaha dagaalamay, sidoo kalena dhinaca kale ay la kulmi doonaan si wax walba miiska wadahadalka loogu dhameeyo.
Degaanka Kabxanleey ee duleedka Waqooyi ee Magaalada Beledweyne ayaa todobaadkii labaad ee xiriir ah waxaa ku dagaalanayay laba maleeshiyo Beeleed, waxaana la sheegay in dagaaladaas ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 ruux.



