Ciidamo ku dagaalamay Beydhabo iyo khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Ciidamo ka wada tirsan maamulka koofur galbeed soomaaliya ayaa maanta isku rasaaseeyay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka bay.

Israsaaseenta ayaa timid ka dib markii ciidamada ay iska shakiyeen, sidoo kale ay ismaandhaafeen sida aan wararka ku heleyno.

3 qof ayaa ku dhimatay halka ka mid ah waxa uu ka mid ahaa askartii dagaalantay halka 2 qof ee dhimatay ay ahaayeen dad shacab ah oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale israsaaseenta ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 qof, waxaana goobta ay wax ka dhaceen durbo gaaray Ciidamada amaanka ee maamulka koofur galbeed.

Goobjooge ku sugan magaalada Beydhabo ayaa inoo xaqiijiyay in hada ay xabada joogsatay isla markaana lagala qaaday ciidamadii wada dagaalamay.

Saraakiisha ciidamada maamulka koofur galbeed soomaaliya ayaa hada wado baaritaano lagu ogaanayo sababta keentay isku dhaca dagaalka labada ciidan.