Gelinkii dambe ee maanta ayaa magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga waxaa lagu soo gabagabeeyay shirkii loogu hadlaayay siyaasada iyo amniga Soomaaliya, waxaana shirka laga soo saaray war murtiyeed ka koobnaa qodobo badan.
Qodobadii ka soo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ah in Dowlada Turkiga ay sii xoojineyso taageerida Soomaaliya.
C/salaam hadliye cumar Wasiirka Wasaarada arrimaha dibada ee dowlada Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowlada Turkiga ay safaarada ugu weyne ee Afrika ay ka furaneyso Magaalada Muqdisho.
Wasiir hadliye ayaa sidoo kale ka warbixiyay qodobadii lagu heshiiyay ee shirka ka soo baxay. iyo sida loo dhaqan gelinayo.
Sidoo kale C/salaam hadliye cumar Wasiirka Wasaarada arrimaha dibada ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in lagu heshiiyay in si wadajir ah loo taageero go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha wada tashiga Qaran ee muqdisho lagu qabtay.
Waxa uu tilmaamay in madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka ay si wadajir ah ugu shaqeynayaan sidii ay soomaaliya ugu dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020.
Shirka magaalada Istanbul oo labo maalmood socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Amniga, siyaasada, dowlad wanaaga, Ganacsiga, dib u habeynta Dastuurka, arrimaha federaalka, doorashada sanadkan 2016 iyo qodobo kale oo xasaasi ahqodobo.


