Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar “Cameey” ayaa ka hadlay mowqifkooda ku aadan shirka ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ee loogu hadlayo Arrimaha Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Maamulka Puntland ay shirka uga qeyb gashay dhinaca dhaqaalaha ee hiigsiga cusub ama “New Deal” balse aysan ugu qeyb galin dhanka arrimaha Siyaasada Soomaaliya iyo doorashada sanadkan 2016.
Waxa uu beeniyay wararka sheegaya in xubno ka tirsan maamulkooda ay ka qeyb galeen shirka, isla markaana Puntland cid u mataleyso shirkaasi aysan jirin.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntlad ayaa tilmaamay in aysan aqbali doonin go’aanada ka soo baxa shirka ka soconayo dalka Turkiga.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya oo isagoo ku sugan magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga u waramay Idaacada Risaala ayaa sheegay in ay jiraan xubno ka socda Maamulka Puntland ay ka qeyb galayaan shirka isla markaana ay ku sugan yihiin hoolka shirarka.