Muqdisho-RisaalaFM- Laba Guuto oo ka Tirsanaa Ciidamada AMISOM ee ka Socda Dalka Burundi ayaa dib ugu laabtay dalkooda, kadib markii ay dhameysteen Hawl-galkoodii Soomaaliya oo ahaa hal sanno.
Dufcadii koowaad oo tiradoodu ahayd 1,891 Askari ayaa ka dhoofay Magaalada Muqdisho Khamiistii la soo dhaafay, iyadoo Dufcadda kalena ay ka Dhoofi doonaan Soomaaliya Todobaadkan gudihiisa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Taliyaha Guutada 32-aad ee ciidanka Burundi Mijir Richard Nikoyagize oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan hawshoodu u dhamaatay ay dhaqan-wanaagsan muujiyeen intii ay Soomaaliya ka hawl-galayeen.
Dalka Burundi ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, Waxayna ka hawl-galaan deegaanno ay ka mid yihiin Ceel-baraf, Mahaaday, War-sheekh, Balcad, Qoryooley iyo deegaanno kale. Sidoo kalena waxay qayb ka yihiin Ciidamada ka hawl-gala magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ugu dambeyntii, Ciidamada Burundi – ayaa waxay deegaannada ay ka Hawl-galaan waxay ka fuliyaan Mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin; Bixinta Daawooyinka ay Shacabku u baahan yihiin, Biyo iyo gargaarro kale.


