Doolow-RisaalaFM- Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan watana Gaadiidka Gaashaaman ee dagaalka ayaa u soo talaabay Soomaaliya iyaga oo ka soo galay xuduudka Doolow uu la wadaago dalka Itoobiya.
Ciidamadan ayaa shalay ilaa maanta waxa ay ku soo qul qulayaan Soomaaliya, waxaana tiradooda lagu sheegay in ka badan Kun Askari oo ka tirsan Ciidanka dalka Itoobiya.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland Maxamed Xuseen Al-qaadi oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa warkan xaqiijiyay.
Wuxuu sheegay Ciidamadan ujeedka ay u yimaadeen inuu yahay ka jawaabista codsiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), kaasi oo dalalka Gobolka oo ay ka mid tahay Itoobiya ka dalbaday in laga gacan siiyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.


