Ciidamo hor leh oo gaaray guriga Ugaas Yuusuf, kana hor yimid duullaanka Beledweyne.

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay ka goosteen dhinaca dowladda Federaalka, kuna biireen ciidamada Jabhadda Hiiraan ee uu hoggaamiyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Askartan oo wata gaari dagaal ayaa iska xaadiriyay guriga uu magaalada Beledweyne ka deggan yahay Ugaas Yuusuf, iyagoo sheegay inaysan aqbali karin waxa ay ku tilmaameen duullaanka lagu soo qaaday Ugaaska iyo beeshiisa.

Ciidamada ayaa farriin adag u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sheegay inay yihiin ciidanka qaranka, balse ay garab taagan yihiin Ugaaska Xawaadle.

“Xasan Sheekh talada dhulka dhig, dowlad loo dhinto ma jirto, dowladda waxay noqotay in qof kasta uu sharciga jeebka ku wato,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah askarta guriga Ugaaska tagtay.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadoo xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan magaalada Beledweyne ay sii xoogeysanayso, isla markaana ay jiraan baaqyo ay hoggaanka dhaqanka Xawaadle u jeediyeen ciidamada dowladda ee beeshooda kasoo jeeda.