Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta doorashada Magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ay la wareegeen xarunta ay ka socota doorashada Aqalka Hoose.

Ciidamada ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan soo foodsaartay bilihii lasoo dhaafay .

Ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay xarunta , waxaana goobta ,iskaga baxay Qaar ka mid ah ergooyinkii doonaayay in ay doortaan xubnaha Aqalka Hoose  ee deegaanada maamulka Jubbaland ka imaanaya .

Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in ciidanka ay yihiin ciidamo saldhig ku lahaa magaalada Kismaayo , islamarkaana dhawaan kasoo laabtay duleedka Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay dagaal kula soo galeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan maamulka jubbaland ayaa ku howlan sidii ciidamada goobta looga saari lahaa madam ay qabsadeen halkii ay ka socotay doorashada.

Ciidamada ayaa doonaya in ay heleen mushaarka ay kuleeyihiin maamulka Jubbaland oo aysan helin dhowr bilood.