Ciidammada dawladda Ciraaq ayaa weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Mosul, iyaga oo isku dayaya in ay magaalada oo dhan dib uga qabsadaan malayshiyada isku magacawda Dawladda Islaamka.
Waxay sidoo kale weerar ku qaadeen saldhig millatari oo ka agdhaw aagaas, sida uu sheegay telefishinka dawladda.
Garoonka diyaaaradaha iyo saldhiga al-Ghazlani ayaa ku yaallaa duleedka koonfurta magaalada Mosul.
Ciidammada Ciraaq ayaa horayba kooxda Dawladda Islaamka uga saaray qaybta galbeed ee magaalada.
In kabadan 160,000 oo ruux oo ku sugnaa gudaha ama agagaarka magaalada ayaa isaga qaxay guryahooda.


