Ciidamada Xoogga dalka oo Hawlgal ka sameeyay gobolka shabeelada Hoose

Ciidanka Xoogga dalka,  gaar ahaan Guutada 7aad ee Qeybta 12-ka April, ayaa howlgallo isugu jiray sifeyn iyo bur-burin goobaha ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab ayaa waxay ka sameeyeen deegaano ku yaalla inta u dhexeyso wadada xiriirisa Bali-doogle iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalkan oo lagu bur-buriyey baro Alshabaab  ay ku lahaayeen , ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidanka Xoogga  G/dhexe Axmed Cabdi Cali “Axmed Gaashaan” oo ay wehliyaan Taliye Ku-xiggeenka Guutada iyo Saraakiil kale.

Deegaanada howlgalka laga sameeyey, ayaa waxaa kamid ah Baqdaad, Doonka, Kaxaroow, Jambaluul, Doon dheere, God doofaar, Baladul-amiin, Warmaxan, Tixsiile iyo deegaano kale.

Mudooyinkii dambe Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa Hawgallo lagula dagaalamayo Alshabaab ka waday degaano badan oo ka tirsan gobolada dalka .