Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa xasilinta caasimadda ayaa xalay saqdii dhexe hawlgal ka sameeyay xaafadda Xararyaale ee Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen qaar ka tirsan saraakiisha Hay’adaha ammaanka.
Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo intii ay howlgalkan wadeen ayaa waxa ay gudaha u galeen guryo ku yaala xaafadaasi, halkaasi oo ay kala soo baxeen dad la tuhunsan yahay oo dhalinyaro u badan, waxaana lagu soo kaxeeyay iyaga oo indhaha ka xiran gaadiidka dagaalka.
Dadka deegaanka, ayaa markeliya ku soo baraarugay ciidan fara badan oo lagu soo daadiyay xaafadda Xararyaale, Suuqa Xararyaale illaa Isgoyska Filorenza, iyadoo ayna xireen wadooyinka soo gala.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa si hoose Risaala ugu sheegay in Ciidamada ay gudaha u galeen guryo bartilmaameyd ahaa, waana goobaha ay dhalinyarada kala soo baxeen.
Ma cadda waxa ay yihiin iyo weliba cidda ay ka tirsan yihiin ragga hawlgalkaasi lagu soo qab qabtay, balse waxaa Ciidamada ay dhalinyarada ula dhaqaaqeen xarumaha dambi baarista ee ku yaalla Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhowaan sheegay in la kordhinayo qorshaha Howlgalka Xasilinta, kaasi oo lagu nabadeynayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.


