Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ku dagaallamaya degaanka lagu magacaabo god qaboobe oo dhanka Puntland kasoo xigga degaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo Saakay ciidamada Somaliland ay qabsadeen.
Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka ah ayaa ah mid xooggan, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka Nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalkaan ayaa daba joogga dagaal Saakay Aroortii ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Wariyeyaasha Magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in ay jiraan Khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaasi ka dhashay.
Puntland ayaa ciidamo badan u dirtay degaankaasi Markii Somaliland ay dagaal ku qabsatay.
Wixii kusoo kordha Kala soco Risaala.net



