Ciidamada Nabadsugida oo Caawa howlgallo xoogan ka sameeyay Baydhabo

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka  waday maalmahan  inta badan gudaha Xaafadaha Magaalada Baydhabo iyo duleedka.

Howlgalkan  oo ahaa mid lagu sugaayey Amiga guud Ee Magaalada ayaa  Ciidamada maanta ka fuliyeen  Wadooyinka soo gala Magaalada Gaar Ahaan Onodka makuudi iyo suuqa xoolaha,Xaafadaha Bardaale,Horseed,iyo isha.

Waxaana inta Howlglka Socday Ciidanka ay baarayeen gawaarida isticmaala Wadooyinka, geerishyada, iyo Dadkaba.

Saraakiisha hogaaminaysay howgalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Howlagalada noocan ah inta deegaanada koonfur galbeed lagaga xuraynayo Al-Shabaab, iyaga oo sidoo kale sheegay in horay ugu guulaysteen  burburinta shabkadooyin  Al-Shabaab ah oo ka dhisanaa Magaalada Baydhabo