Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed gaar ahaan ururka 46-aad Ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa Ciidamada ayaa waxaa ay Hawlgalka ka sameeyeen Degaanada kala ah Jiiro Gurey, ideedi , sarmaan Dheer, ilaa iyo Buulo Gaduud Ku waas oo Hoosyimaada Degaanada Goof-gaduud Awdinle iyo Degmada Bardaalle Ee Gobalka baay.
Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidanka ay Bur buriyeen Goobo Xubno ka tirsan Alshabaab isku Abaabuleyeen.
Howlgalka waxaa hogaaminayey Taliyaha ururka 46-aad ee guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed
X/le Xasan Aadan Maxamed (XasanTaar) waxaana uu Warbaahinta usheegey In Dhamaan Degaanadan ay gacantoda hada ay ugu jirto Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed.



