Ciidamada Jubbaland oo howlgal culus fuliyey

Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen tuulooyin hoostaga Magalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,isla markaana ay kaga hortagayeen weeraro kaga yimaada dhinaca Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Jubbaland ee Aaga degmada Afmadow ayaa sheegay in howlgalka intii ay ku jireen ay kusoo qab qabteen dad lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay baaritaano ku sameynayaan.

Si kastaba howlgalkan ay Ciidamada Jubbaland ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weeraro kala duwan ka geystaan deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.