Madaxweyne Geelle oo dalab ka dhan ah Kenya u diray QM

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dowladda Jabuuti ayaa dalalka xubnaha ka ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday inay dalkiisa ku taageeraan tartanka kursiga aan joogtada ahayn ee lagu matalayo Afrika.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ku haboon tahay kursiga Qaramada Midoobey ee Afrika.

“Mudane madaxweyne kulanka 74-aad ee uu golaha loo dhan yahay yeelan doono bisha June ee sanadka 2020 waxaa lagu dooran doonaa shanta dal ee xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha amniga kuwaasoo shaqeyn doona muddada u dhaxeysa 2021-ka ilaa 2022-ka. Mid ka mid ah kuraastaas waxaa loo qoondeeyay qaaradda Afrika, markanna sida ay qaaraddu isku afgaratay, waxaa kursigaas buuxin doona wadan ku yaalla bariga Afrika. Sida uu dhigayo xeerka midowga Afrika, shaki kuma jiro in Jabuuti ay ka mid tahay musharraxiinta ururka ugu matalaya tartanka kursigaas golaha amaanka, muddada 2021 ilaa 2022. Ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

“Xeerka wuxuu dhigayaa in waddan kasta oo ku yaalla qaaradda Afrika, ha yaraado ama ha weynaado, waxay xuquuq siman u leeyihiin inay xubin ka noqdaan golaha amniga iyo dhammaan guddiyada kale ee Qaramada Midoobayba. Dowladda Jabuuti waxay si xushmad leh ugu baaqeysaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah golaha inay taageeraan musharraxnimada Jabuuti ee kursiga golaha amniga”ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxweyne Geelle.

Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa muujiyay sida ay Jabuuti uga go’antahay inaysan Kenya uga tanaasulin tartankaas.