Ciidanka Israa’iil ayaa isaga baxay deegaanno ka tirsan Khan Yunis ee koonfurta Qasa, halkaas oo ay howlgallo ka wadeen 22 maalmood ee u dambeysay , sidaa si la mid ahna ay la kulmayeen weerarro uga imaanayay iska caabinta Qasa.
Israa’iil ayaa u aqoonsatay bishan Agoosto, bishii ugu naxariista darneyd oo askar badan looga dilay gudaha Qasa, sababo la xiriira isbeddelada istiraatijiyadeed ee iska caabinta ay howlgalladooda ku sameeyeen.
Ka bixitaanka Ciidanka Yahuuda ee degaanka tirsan Khan Yunis ee koonfurta Qasa ayaa kusoo aadaya xilli Kooxda Xamaas ay wado qorsho ay kaga jawaabeyso weerarada Ciidamada Israa’iil.