Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in ay doonayaan in ay qabsadaan degmada Xarardheere oo kamid ah degmooyinka ugu muhiimsan Gobolka Mudug , islamarkaana muddo dheer ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab.
Howlgalka lagu qabsanayo degmada Xarardheere iyo sidoo kale degaanada kale ee ay ka gacanta ku hayaan Al-Shabaab ayaa waxaa uu bilaabanaya Bisha soo socota.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen howlgalkaasi.
Waxaa uu tilmaamay Maxamed Xaashi cabdi carabay in howlgalkaasi ay ka qeyb qaadan doonaan ciidanka Galmudug iyo sidoo kale ciidanka qeybta 21 aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed.
Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug iyo sidoo kale degaano kale oo ku yaalla gobolka Galgaduud ayaa waxaa gacanta ku haaya Ururka Al-Shabaab , waxaana hadda ay Galmudug doonaysaa in ay la wareegto degaanadaasi.


