Ciidamada Dowladda oo sameeyay howlgal Miino baaris ah

Ciidamada Dowladda Soomaaliyeed qeybta DANAB ee ka howlgala Galmudug ayaa maanta baaritaano lagu soo saaray Miinooyin ka sameeyay Deegaanada Shabeellow, Dhagaxley iyo deegaano kale oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Maamulka Deegaanka Shabeellow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay holwgalkaas, iyaga oo tilmaamay in Miino qaraxday uu khasaare kasoo gaaray Gaari Ciidanku leeyihiin
Saraakiisha Ciidanka ayaa tan iyo shalay waday baaritaano kala duwan oo ay ku soo saarayaan waxyaabaha qarxo oo ay Al-Shabaab ku aaseen.

Degaanka Shabeellow oo hoostaga degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku dagaalamayay maleeshiyaad degaanka ah iyo Al-Shabaab, hayeeshee Ciidamada qeybta 21aad ay degaankaas la waregeen.