Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo iskaashanaya ayaa waxa ay howlgallo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab Maanta ka fuliyeen degaano ka kala tirsan gobolada Hiiraan & Galgaduud oo ka kala tirsan Maamulada Hir-Shabeelle & Galmudug
Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Baay waxaana ay kula wareegeen deegaannada kala ah Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame. Karanoy iyo Daawuudow, kuwaas oo hoostaga degmada Deeynuunaay ee Gobolka Baay .
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka jab xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, waxaana sidoo kale Ciidanka xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Berdaale iyo Qasaxdheere ay uga sareen Al-Shabaab.
Dhinaca kale Ciidamada Dawladda iyo Kuwa xoraynta Shacabka oo deegaano ka tirsan gobalka Galguduud kala wareeegay Al-Shabaab, iyaga oo la wareegay degaannada kala ah, Maygaag Duub,Dhisaqa , Abooreey iyo kuwa kale.
Ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ee iskaashanaya ayaa kusii siqaya goobo kale oo ay ku suganyihiin Al-Shabaab, waxaana howlgalka qayb wayn ka qaadanaynaa Shacabka deegaanka iyo culumada degmada Baxdo.



