Ciidamada dowladda oo ku wada dagaalamay Magaaalada Jowhar

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Maamulka Hirshabeele ayaa ku waramaya in ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ay ku wada dagaalameyn halkaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dirirtu dhexmartay ay is dhaafsadeyn risaas aad u fara badan, waxaana ku dhaawacmay inta la ogyahay mid kamid ah askartii halkaasi ku wada dagaalamay.

waxaana dagaalkaasi uu salka ku hayaa, is af garan waa soo kala dhex galay ganacsatada ka ganacsadata Khaadka (Jaadka) iyo ciidamo Bar koontorool ku leh waqooyiga Magaalada Jowhar.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ganacatada Khaadka ay soo wateyn ciidamo kale oo hubyesan,waxaana qalqal iyo cabsi soo wajahday dadka deegaanka.

Inkastoo dagaalkaasi iminka joogsaday, hadane waxaa laga cabsi qabaa in ay mar kale isku diyaarinayaan dagaal hor leh, waxaana ciidamada dagaalamay in ay heshiiyaan ka shaqeynaya Maamulka Gobolka, Shabeelada Dhexe iyo midka Jowhar.