Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maalintii labaad Howlgallo culus ka wada dhulka Hoodka ah ee Maraay suuley, Cali hayle, Xuseen cagey iyo Masaajidada Mowliid ee Gobolka Galgaduud.
Degaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa mararka qaar dhaq dhaqaaqyo ka sameyn jioray Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo iska soo abaabula si ay weeraro u geystaan.
Howlgalkaan iska kaashanaya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybaha ay ka koobanyihiin, waxana ay isku fidiyeen degaano hdowr ah oo katirsan Gobolka Galgaduud.



