Marko-RisaalaFM- Wararka ka imanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay isaga baxeen magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararku waxay sheegayaan in Dagaalyahano aad u hubaysan oo ka tirsan ururka Al-Shabab in ay gudaha ugaleen magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa la sheegay in ay haatan ku sugan yihiin saldhigooda ku yaalla duleedka magaalada.
Illaa iyo hadda lama ganarayo sababta ay ciidamada dowladda Soomaaliya uga baxeen magaalada Marka.


