Ciidamada dowladda oo howlgallo xoogan ka sameeyay Galgaduud

Ciidanka Kumaandooska DANAB  iyo Ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta howlgallo ka dhan ah Uturka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada wadajirka ah ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay degaannada kala ah Cali Cameey & Ontorey oo hoostaga Degmada galacad, halkaas oo la sheegay inay ku xooganaayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay sii laba jibaareen howlgallada  kasoconaya dhulka hoowdka si looga hortago weerarada ay Al-Shabaab ka soo qaadaan.

Degaannada howlgallada ay ka sameeyeen Ciidamada DANAB iyo kuwa Gorgor waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay dagaal xoogan, waxaana Maanta ka socda howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.