Ciidamada dowladda oo howlgallo horleh ka bilaabay degaano katirsan Mudug & Galgaduud

Ciidamada Dowladda federalka, kuwa Galmudug iyo oo wehliyaan Ciidan dadka  Degaanka Ayaa saakay ka ruuqaansaday Degaannada Cadakibir iyo Maarsamage ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa aroortii hore ee saaka gudaha u galay tuulooyin ay isaga tageen Ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo mudooyinkii dambe ay dowladdu sheegtay inay bulshada ku dhibateeynayeen.

Howlgalkan saakay ee ciidankii  ka dhaqaaqay deegaannada Cadakibir iyo Maarsamage ayaa si saf ballaaran ah u wada howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo degaano horleh ay la wareegayaan.

Dhinaca kale Ciidamada Deegaanka Bajeela ayaa saaka mar kale u ruqaansaday Howlgal lagu xoraynayo degmada Bacaadweyne, Qeycad, Camaara ee koofurta Mudug.

Saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay in muddo kooban ay Al-Shabaab uga saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Mudug, Galgaduud & Hiiraan.