Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaanin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaanka Shaaam oo duleedka ka ah degmada Awdheegle oo dhawaan Ciidamada Dowladda la wareegeen.
Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle howlgalka ay ka fuliyeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab sida ay hadalka u dhigeen.
Taliyaha Ciidammada Dhulka Janeraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkaas looga gol leeyahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.