Tooratoorow-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saakay waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidan.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Idaacadda Risaala usheegay in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay saakay ka jiran guud ahaan gobolka gaar ahaan deegaanka Tooratoorow.
Gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa warbaahinta usheegay in deegaanka Tooratoorow ay Al-shabaab shacabka ku dhibaateyn jireen balse hada ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan deegaankaasi.
Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Shabaabkii ka baxay deegaanka Tooratoorow ay hada ku sugan yihiin duleedka deegaanka, iyadoo Al-shabaab ay in muddo ah joogeen deegaanka Tooratoorow.


