Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay tuulooyin dhowr ah

Howlgallo ay Saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Xoogga dalka  ka sameeyeen xadka labada Shabeelle ayay la sheegay inay kula wareegeen deegaanno ay horay ugu sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Meelaha ay Ciidamadu kala waxaa ka mid ah Kaxarey,Busley iyo  tuulooyin kale oo ku yaalla xuduuda gobollada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe,sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha Ururka 35aad, guutada 7aad, qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka, G/sare Cali Cabdullaahi Caraaye (Foofoo) oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay la wareegeen dhammaan tuulooyinkaas, isagoo tilmaamay in ay sii wedi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ay gubeen gaadiid Shabaabay lahaayeen, isagoo sidoo kale tilmaamay in Shaabka ku nool tuulooyinkii ay Shabaab kala wareegeen ka helaan soo dhaweyn ballaaran sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo ay ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana howlgalladii ugu dambeeyay ay kula wareegeen degmada Awdheegle iyo tuulooyin hoostaga.