Odayaasha & Waxgaradka Cadaado oo Go’aano soo saaray

Kulan ay Maanta Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ku yeesheen Odayaasha & Waxgaradka Magaaladaas ayaa waxaa ay ku sheegeen inaysan ka qeyb aheyn shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee dhawaan ka furmayo Magalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed ay kulankooda kasoo saareen ayaa waxaa ay ku cadeeyeen inaysan jirin jirin cid ku metesha shirkaasi oo ka qeyb-galeysa kadib markii shalay ay Magaalada Dhuusamareeb tageen Odayaal & Waxgarad la sheegay inay dadka reer Cadaado ku metelayaan shirkaasi,kuwaas oo ka baxay Magalada muqdisho.

Waxaa ay sheegeen in marnaba shirkaasi ka qeyb-galeyn ilaa laga xaliyo tabashooyinka ay qabaan,isla markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay xalinta tabashada ay qabaan si wax walba oo jira xal looga gaaro.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay ku dhawaaqday in Maalinta arbcada ah ee todobaadkaan uu shirka ka furmayo Dhuusamareeb,isla markaana dhamaan ay Ergada wada joogaan.