Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano Cusub

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ay howlgal ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa waxaa ay hwolgalka ka fuliyeen deegaanka Sabiib ee G/Shabeellaha Hoose,waxaana intii uu holwgalka socday ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab dhexmaray dagaal culus.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen in ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Sabiib,sidoo kalena dagaalkii dhacay ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin warkaan kasoo yeeray saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee ah inay la wareegeen deegaanka Sabiib ee G/Shabeellaha Hoose.