Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo degaano horleh la wareegay

Saacadihii la soo dhaafay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka degaanka ayaa howlgallo ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Mudug oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgallada hoggaaminayay ayaa sheegay in dagaalo kooban oo ay la galeen Al-Shabaab ay la wareegeen degaannada, Geycad, Buulo-Sabuur iyo Xaarxaarka, halkaas oo tobanaankii sano ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay burburiyeen Saldhigyadii Al-Shabaab, isla markaana ay ku raadjoogaan Al-Shabaabkii isaga baxay degaannada ay la wareegeen.

Waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada iyo degmooyinka Galmudug si guud ahaan looga saaro Ururka Al-Shabaab.

Tan iyo markii Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka degaanka ay howlgalalda bilaabeen ayaa waxaa ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano dhowr ah oo katirsan Gobolka Mudug.