Ciidamada Dawlada Hawlgal ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay degaanno ka tirsan gobolka Gedo

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliiska ayaa howlgalo ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay inta u dhexeeysa degaanka Shaataloow iyo degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Howlgalka inta uu socday ayay Saraakiisha ciidanka sheegeen in Khsasaare ay ay ugu geysteen Xubno ka tirsan Alshabaab oo ku sufnaa Aaga  Hawlgalka uu ka socday

Hawlgalka ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha Qeybta 43aad ee Ciidamada Xooga Dalka Gaashaanle sare  Cabdirashiid Maxamed Cismaan Taliyaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Gobolka Gedo Gashaanle dhaxe Aadan Siyaad Cabdi Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Gobolka  G/le sare Xuseen Cali Xaashi Giif.

Sidoo kale saraakiisha  Ciidamadda ayaa sgeegay un hormar balaaran ka sameeyeen  dagaalka ay la galeen Alshabaab waxayna la wareegeen fariisimo ay halkaasi ku  lahaayaeen