Ciidamada daraawiishta Galmudug oo diiwaan gelin lagu bilaabay

Iyadoo muddooyinkii u danbeeyay ay socatay qorshe lagu diyaarinayay ciidamada daraawiishta Galmudug si ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay diwaan gelinta qeybta Gobalka Mudug.

Ciidamadaan ayaa maanta si rasmi ah loogu qeybiyay aqoonsigoodii ciidanimo, iyadoo ay goob joog ahaayen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Amniga, xubnaha Golaha Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Galmudug.

Isku duwaha Wasaaradda Amniga Gobalka Mudug Barre Abshir Guuleed ayaa ku booriyay ciidanka daraawiishta in ay gutaan waajibaadka lagu leeyahay oo ay u horeyso sugidda Amniga iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagagixisada.

Xildhibaan Bashiir Sheekh Axmed Cawaale oo isna goobta ka hadlay ayaa ka hadlay waajibaadka lagu leeyahay ciidanka, haddii ay helaan xuquuqda ay leeyihiin.

Ugu dambeynta Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Aaadan Gaboobe ayaa ka warbixiyay ujeedka laga leeyahay diiwaan gelinta iyo diyaarinta ciidanka daraawiishta iyo waajibaadka ka saaran bulshada ku nool deegaannada Galmudug.