Ciidamada Booliska Galmudug oo fulinaya Amar horay uga soo baxay Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Maamulkaas ayaa howlgal culus waxaa ay ka fuliyeen Xaafado katirsan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamada ayaa holwgalka waxaa ay Muraayadaha Madow ee ( Bensalka) uga fiiqayeen Gaadiidka yar iyo iyo Mooto Bajaajta ee ka dhex Shaqeeya Gudaha Magaalada Cadaado, iyada oo howlgalka uu yahay mid lagu xaqiijinayo Amniga.
Taliyaha Saldhigga Booliska Magaalada Cadaado Laba Xiidgle Maxamed Cadceed ayaa sheegay in howlgalkan looga hortegayay Gaadiidka leh muraayadaha Madow iyo kuwa soconaya taargo la’aanta, isla markaana Bulshada ay qabeen digniin ay qabeen.
Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inay Ciidamada howlgalada sii wadi doonaan, si toos ahna uga hortegi doonaan dadka masoomayaasha ah iyo kuwa furta maqaayadaha lagu iibiyo cuntada Malintii, iyada oo lagu guda jiro Bil Ramadaan.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Ciidamada Booliska Galmudug ay howlgallo kale ka fuliyaan degaannada iyo degmooyinka Maamulka Galmuudg, iyada oo la fulinayo amarkii kasoo baxay taliska Booliska Galmudug.



