Ciidamada Asluubta oo hal Talis yeelan doona

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xukuumada Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Wasaarada Cadaaladda ay ka shaqeyneyso sidii hal Talis looga maamuli lahaa dhamaan Ciidamada asluubta soomaaliyeed heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la helo ciidamada asluubta oo hal talis laga maamulo laguna tababaro hal xarun.

Waxa uu tilmaamay in mudada uu joogo Xafiiska in uu ahmiyada siinayo hormarinta iyo tababarada ciidamada asluubta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay yihiin ciidamo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Cadaaladda ayaa xusay in ciidamada asluubta aysan hada si toos ah looga maamulin hal talis.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xukuumada Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu ka qeyb galay dhoolatus ay sameynaayeen ciidamada asluubta Soomaaliyeed ee u diyaar garoobaya xuska maalinta ciidanka asluubta oo ku began maalinta khamiista 22 Febraayo.