Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho ku qabtay Koox burcad ah

Ciidanka booliiska degmada Yaaqshiid ayaa  gacanta ku dhigay laba dabley  ah oo dadka degaanka dhac iyo boob u geysan jiray kuwaas oo lagu qabtay teleefano badan oo ay dadka ka qaateen iyo hub fudud oo ay isticmaalayeen.

Ciidanka Booliska ayaa qabtay dableyda ka dib howlgal ay sameeyeen sidda uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga gobolka Banaadir.

Dableyda ayaa waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii ay isku dayeen inay baxsadaan.

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku guuleystay in ay guud ahaan soo Afjaraan Kooxihii dadka Shacabka ku waxyeeleyn jiray Muqdisho, islamarkaana dhaca u geysan jiray.