Chelsea ayaa ku dhow inay soo cusbooneysiiso xiisaha ay uqabaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sporting Joao Mario.
Waxay isku diyaarinayaan in ay dalab ka gudbiyaan ciyaaryahanka kahdka dhaxe , sida uu sheegay O Jogo.
Xiddigaan 23 -sano jirka ah, ayaa ka mid ahaa xiddigihii Portugal ee ku guuleystay Euro 2016 ,iyadoo tababaraha cusub ee Blues, Antonio Conte uu soo jiitay qaab ciyaareedkiisa.
Kooxda ka dhisan Stamford Bridge, ayaa haatan qarka u saaran inay dalab € 40 million ah ka gudbiso ciyaaryahanka, iyagoo doonaya inay ku xoojiyaan kooxdooda ka hor xilli ciyaareedka soo socda.
Ciyaaryahankaan ayaa hore bartilmaameed xoogan ugu ahaa kooxda Manchester United oo dhowr jeer dalab ka gudbisay, lakiin waxa uu hadda u muuqdaa mid kusii wajahan kooxda Chelsea.
Conte ayaa waxaa ka go’aan in uu is bedel ku sameeyo khadkiisa dhaxe xili ciyaareedka dambe, isagoo sidookale xiiso u qaba Gomes oo katirsan xulka Portugal.


