Kooxda Kubadda ee Chelsea ayaa xalay ku guuleysatay horyaalka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league, kadib markii ay 1-0 uga badisay kooxda Manchester City oo ay kawada dhisan yihiin dalka Ingiriiska
Daqiiqadii 42-aad ee qeybtii hore ciyaarta ayaa goolka waxaa u dhaliyey Kooxda Chelsea da’yarka reer Jarmal ee Kai Havertz.
Waa markii labaad taariikhda (2012-2021) oo Chelsea ku guuleysato tartanka horyaalka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league.
Manchester City oo ku haminaysay in ay sanadkan markii ugu horreysay ku guuleysato Champions league ayaa weli inkaari ka haysataa tartankan.