Chelsea oo kaga guuleysatay Manchester City iyo Barcelona saxiix lagu qiimeeyo £ 24m

Chelsea ayaa isku dayaysa inay ka dulqadaan Barcelona iyo Manchester City saxiixa xiddiga reer Holland Riechedly Bazoer.

Blues ayaa kula jira wadahadalo Ajax xiddiga qadka dhexe kaga ciyaara kasoo lagu qiimeeyo £ 24m, sida uu sheegay walaalkiis.

Garoonka tababarka Chelsea ayuu wadahadalka ka dhacay jimcihii shalay galinka dambe,

Bazoer,oo 19 jir ah, ayaa hore bartilmaameed u ahaa Barcelona iyo City, kuwasoo hadda ka quusanaya xaalada ay kula wareegi lahaayeen xiddigan.

Chelsea ayaa qorsheyneysa inay xagaagan soo gabagbeyso Bazoer ,kasoo loo qiimeyn doono sidii mid kamid ah saxiixayada ugu weyn kubadda cagta.