Chelsea Oo Go’aan Rasmi Ah Kasoo Saartay Mustaqbalka Michy Batshuayi

Chelsea ayaa iska diidi doonta dalab kasta oo lagu doonayo in looga qaato weeraryahankooda  Michy Batshuayi inkastoo ciyaaryahankan uu ku guuleystay inuu kusoo bilaawdo kulankii isbuucan.

Antonio Conte ayaana rabin inuu Weeraryahanka ka dhaqaaqo sanadka cusub iyadoo Batshuayi markii ugu horeysay kusoo bilaawday xilli ciyaareedkan ciyaartii ay la ciyaareen kooxda Bournemouth.

waxaana Diego Costa uu ku maqnaan ganaax shan jaalo, Batshuayi ayaana lagu soo waramayaa inay kooxda West Ham ay u baahan tahay adeega ciyaaryahankan, sida ay qortay Telegraph.

Batshuayi ayaa  xilli ciyaareedkan u saftay kooxdiisa kaliya 76 daqiiqo oo horyaalka Ingiriiska,

Chelsea ayaana aaminsan in weeraryahanka uu qeyb weyn ka qaadan doono qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkan, waxa ayna sidoo kale diidi doontaa inuu amaah xitaa kaga tago Michy Batshuayi kooxda Blues.